Ka baxsiga wareeg xun Carruurtu waa farxadeena ugu weyn. Waalid ahaan, waxaynu sameynaa waxkasta oo aynu awoodno si aynu iyaga ugu korino inay noqdaan dadwaaweyn oo sugan oo guuleysta. Marmarka qaarkood ayaa, awoodaha, jidhka dareenka ama maskax ahaaneed ay yihiin qalabka kaliya ee aynu haysano si aynu xad ugu sameyno, laakiin si cad uma ogin ilaa inta ay dhaawac iyo cabsi carruurta soo gaadhsiin karaan. Ciqaabta jidhdilka ayaa xaqiiq ahaan sharci darro ah Norway. Isticmaalka xoogga ayaa waxa uu noqon karaa wax qaabka soo noqnoqda ah oo barbaarinta ilmaha ku jira. Laakiinwaxa jira hab fudud oo looga baxo wareeggaa xun. Scroll nedover
Carruur korsiimo aan rabshada lahayn Heshiiska QM ee Xuquuqda Ilmahu wuxuu dhigayaa in dhammaan carruurtu ay xaq u leeyihiin guri ammaan ah.
Dagaalka Maskaxda Ereyada, luqadda jirka ama isticmaalka codka si loogu dhibo, loogu hanjabo ama loogu xakameeyo qof kale.
Dagaalka aan tooska aheyn Rabshadaha ka dhanka ah dadka, carruurta ama dadka waaweyn ee ku dhowdhow ilmaha.
Daqaalka iyo xadgudubka galmada Dhammaan noocyada falalka galmoodka ah sida in lagu cadaadiyo, la qasabo ama loogu hanjabo inuu qofku sameeyo wax ku lid ah rabitaankiisa.
Natiijada ka timaada dagaalka In la soo maroo rabshado ayaa waxay keeni kartaa dhibaatooyin jidhka iyo maskaxda ah iyo xanuun dareenka/maskaxda;waxyeeladu waxay noqon kartaa mid muddo dheer waarta.
Korintailmaha Carruurtu waxay sida ugu fiican wax ugu bartaan iyagoo la ammaanaayo oo la dhiirigelinaayo, taasina waxay dhiiri gelin kartaa wadashaqeynta qoyska.
Sida caawimo loo helo: Miyaad u baahan tahay qof kula hadla mise waxaad rabtaa macluumaad ku saabsan sida loo helo caawimo?